U bood dhigaalka

Musharaxiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug Oo Maanta Khudbado Jeedin Doona

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaan in Baarlamaanka Galmudug ay khudbadahooda kahor jeediyaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi iyo xubnaha u taagan madaxweyne ku xigeenka.

Musharaxiintaan ayaa tiradoodu waxa ay tahay 12, waxaana mid walba uu jeedin doonaa qorshihiisa shaqo hadii xilka loo doorto iyo sidoo kale taariikh nololeedkiisa.

Guddiga doorashada ayaa guud ahaan waxa ay araajida ka hayaan musharaxiintaan, iyadoona xildhibaanada Galmudug ay maanta wada dhageysan doonaan khudbadaha dhammaan xubnahaan.

Sidoo kale waxa ay guddiga sheegeen in dhammaan shuruudihii looga baahnaa musharaxiintaan ay soo buuxiyeen, waxaana ka mid ah in musharaxa u tartamaya xilka madaxweyne uu bixiyo lacag dhan 10-kun oo doolar, ku xigeenkana uu bixiyo lacag dhan 7-kun oo doolar, sidoo kale in xilal uu dalka kasoo qabtay iyo shahaado Jaamacadeed.

Doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa dhici doonta 4-ta bishaan oo ku beegan maalinta sabtida ah ee nagu soo aadan.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta.

Musharixiinta Madaxweyne

  1. Axmed Cabdisalaan
  2. Axmed Macalin Fiqi
  3. Cabdikariim Xuseen Guuleed
  4. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
  5. Maxamed Cilmi Afrax
  6. Xasan Maxamed Nuur Qalaad

Musharaxiinta Ku xigeenada

  1. Bashiir Diiriye Shariif
  2. Cabdulaahi Bashiir Cabdinuur
  3. Cabdulaahi Xaashi Warsame
  4. Cabdiqaadir Cabdulaahi warsame
  5. Maxamed Xaashi Carabeey
  6. Xasan Maxamed Warsame

Goobjoog News