U bood dhigaalka

Musharixiinta Iyo Majmaca Culimada Oo Si Kulul Uga Hadlay Kiiska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga
Waxaa weli muran xooggan uu ka taagan yahay sida ay dowladda uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil oo horay waalidiinteeda ay u sheegen in ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda nabad sugidda ee NISA.
Midawga Musharixiinta, Culimada iyo Bulshada ayaa si isku mid ah Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in uu sameeyo baaritaano madaxbanaan oo ku aaddan xaqiiqda wejiga dahsoon ee kiiska.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Midawga musharixiinta ayeey kaga hadleen kiiska Ikraan Tahliil oo NISA ay sheegtay in ay dileen ururka alshabaab.
Musharixiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka ugu baaqey in uu cadaaladda horkeeno dadka dilka ka dambeyay baaritaanona la sameeyo.
Bayaan ay shirka ka soo saareen ayeey sidoo kale waxa ay ku sheegen in loo baahan yahay in isbadal deg deg ah lagu sameeyo hogaanka Nabadsugidda NISA.
Dhanka kale Gudoomiyaha Majmaca culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda ugu baaqay in Jawaab cad oo bulshada ay ku qanacdo ka bixiso Kiiska Ikraan Tahliil.

“Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Oo Dhameystiran