U bood dhigaalka

Musharixiinta Wejiga Xiran Oo Loo Diiday In Doorashada Ay Ka Qeyb galaan

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka ayaa ka digay in musharixiinta u tartamaya kuraasta golaha shacabka ay xirtaan afka ama wejiga ay qarsadaan.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga aysan aqbali doonin musharax wejiga u xiran yahay oo u tartamaya kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu ku war galinayaa musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

Hadalka guddiga ayaa yimid xilli dadka qaar ay walaac ka muujiyeen musharixiin aan illa iyo hadda haybtooda la aqoon oo u tartamay kuraas ka tirsan golaha shacabka.

Bilawgii bishaan ayeey aheyd markii haweeney la tartameysa ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed la arkay iyadoo dhamaan wejiga iyo indhaha u xiran yihiin taas oo aan la aqoon in ay xitta kamid tahay dadka kursiga iska leh.

Goobjoog News