Musharrax Farmaajo Oo Soo Gaarey Muqdisho

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Farmaajo oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shacab badan oo wata boorar lagu soo xardhay sawirka Farmaajo iyo sidoo kale erayo soo dhoweyn ah ayaa Farmaajo kaga hortagey bannaanka hore ee garoonka Aadan Cadde.

Goor dhow ayaa la filayaa in musharrax Farmaajo uu saxaafadda kula hadlo halka laga dejiyey magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW