U bood dhigaalka

Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Cumar Cabdukhadir Axmed FIQI Ayaa Kulan Sagootin Ah U Sameeyay Ciyaartooyda Xulka Qaranka.

Sheeko:Cayaaraha

Musharax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiq ayaa kulan sagootin iyo dhiirigelin caasimada Muqdisho ugu sameeyay xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka ee ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka,kaas oo ku qabsoomaaya Wadanka Nigeria,kulanka oo ka dhacay caasimada Muqdisho waxaa kaqeyb galay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha,ciyaartooydii hore,xidigaha Xulka Minifootboolka,la taliyaasha dhinaca isboortiga iyo dhalinyarada Musharraax Cumarfiqi iyo marti sharaf kala duwan,waxaana dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ay guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyeen Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya.

“Musharrax Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi dad badan ayaa la tartamaya,balse hadii aanu nahay ciayartooyda Xulka Minifootboolka waan ku garab taaganahay,waxaana kuu rajayanayaa guul iyo horomar ” ayuu sheegay kabtanka Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya Cabdullahi Cali Shiine (Geesey).

“Musharrax Cumar AxmedFiqi ,waa musharraxii ugu horeeyay ee qaabila Xulka Qaranka Minifootboolka, hadii aanu nahay laacibiintii hore Soomaaliya guul iyo horomar ayaan u rajaynayaa” ayuu yiri Axmed Muuse oo ah ciyaaryahanadii hore Kubad Kolayga Soomaaliya.

“Musharraxiiinta kale ee u tartamaysa jagada madaxweyanaha dalka waxay ku mashquulsanyihiin siyaasadda iyo arrimo kale,balse Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waan kaga mahadcelinayaa doorkiisa dhiirigelinta iyo garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliyaayuu yiri  Maxamed Isaak Mooge oo ah garsoore heerka caalami Minifootboolka Soomaaliya.

 

“Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan ka rajaynayaa in kaalin ka geysto horomarka Xulka Qaranka Minifootboolka” ayuu munaasabada ka sheegay weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo ah maamulaha iyo Macallinka Kooxda Akadeemiyada Itaal ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

 

“Mudane Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan kaa rajaynaynaa in aad joogteeso dhiirigelinta ciyaartooyda Xulka Qarnaka Minifootboolka Soomaaliya ,balse laga bilaawo maanta odayaasha isboortiga adiga ayay ku garab taaganyihiin” ayuu munaasbada ka sheegay Saciid Jaamac Qorsheel oo horay u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiida iyo Hawada Soomaaliya,sidoo kalane u soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga LLP Jeenyo.

“Hadii aanu nahay Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waxaan u haynaa abaal iyo sharaf waxaanse u rajayanayaa in uu ku guulaysto xilka uu ugu sareeya dalka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

“Waxaan garab taaganahay 100% waxqabadka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka iyo Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ,waxaan inoo balan ah kulamo oo qiimo badan iyo guulo waaweyn oo aad ka soo hooysan tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka” ayuu warbaahinta u sheegay Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi.

Daawo Kulankii Musharrax Fiqi iyo Xulka Qaranka

Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-waxaan-ku-shaqaynaa-khibrada-odayaasha-isboortiga-dalka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle