U bood dhigaalka

Musharrax Sheekh Shariif: Musuqa Waxaa La Gaarsiiyey Baadiyaha Iyo Tuulooyinka

Sheeko:Dalka

Musharrax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanu jirin wax isbedal ah oo dowladda Federaalka keentay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Shariif ayaa sheegay in ay filayeen 4-tii sano ee laga soo gudbay in laga horumaro halkii la joogey sanadkii 2012-ka, balse hadda laga liito meel walba waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan fileynay isbedal micno leh oo ah kii ay ku taamayeen umadda Soomaaliyeed, laakiinse waxaa dhacday caksi, waxaan aaminsanahay meesha la joogo maanta waa laga dambeeyaa dhinac walbo, siyaasad, dhaqaale, amni iyo arrimo bulsho, shacabka Soomaaliyeed waa shacab duruuf adag kusoo jirey, qof walbo oo u istaaga inuu qaado mas’uuliyaddaasi waa lagama maarmaan inuu ka fikiro mas’uuliyadda uu qaadey mugga ay leedahay, dowladnimada waa wax la wada leeyahay oo qof la arkaba uu ka leeyahay meel uu ka howlgalo laakiin cidda mas’uuliyadda qaaddey waxaa saaran hoggaamin toosan, waxaa saaran umadda iney u adeegto, ka fekerto mas’uuliyadda la saaray maanta iyo berito, doorashadii Afar sano kahor dhacday magaaladaan amnigeeda iyo nolosheeda waad ka warheysiin, waad ka warheysiin himilada shacabka Soomaaliyeed iyo hididiilada ay qabeen iyo sida ay aragtida u mideysnay, maantana waad la socotiin wax walbo meesha ay joogaan”

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ”Waxaan is leeyahay marka waa lagama maarmaan in loo istaago mar kale in dalka hoggaankiisa la qabto, lana xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed, haddii ay noqoneyso dhanka amniga, siyaasadda, maamulka iyo dhanka Horumarka, maxaa yeelay waxaan nahay umad xaq u leh umadaha kale waxa ay gaareen ama hiigsanayaan, waxaan aaminsanahay Afartii sano ee lasoo dhaafay dowladda siyaasadeeda taas ayeey ku wajahneyd waxaadna ka garan kartaa sida ay u maamuleen doorashooyinka xildhibaannada iyo Senator-ada”

Dhanka kale Musharrax Shariif ayaa sheegay in musuq badan la gaarsiiyey Tuulooyinka iyo baadiyaha, islamarkaana la  arkay heer codadka qarashaad badan lagu kala qaato waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa musuqa la gaarsiiyey tuulooyinka iyo baadiyaha, maxaad u maleyneysaa dal faqri ah oo ay tahay inuu soo kabto, marka laga dhigo waxa kaliya ee ay ka fikiraan lacag ay qaataan, intaas waxaa sii dheer sida la isugu direy dadka, maxaa yeelay dowladnimadu waa dad heshiis ah oo hiigsanaya ulajeedooyin mideysan oo ay leeyihiin, waxyaabaha lagu fashilmay waxaa kamid ah Dastuurka in la dhameystiro, waa shey sahlan oo aad u fudud walibana laga shaqeyn karo, waxbana lagama qaban karo, doorashada waxay ka dhaceysaa maanta meeshii shalay ay ka dhacday iyadoo amniga, daruufta dhaqaale meesha ka liidato, khilaaf uu dadka ka dhexjiro oo caloosha aaney saafi ahayn, maxaa yeelay dadka markii la qeybiyo waxaa fududaaneysa in qof qof u xukunto, aniga waxaan leeyahay waxaan oo dhan waa ku talogala”

Shariif Sheekh Axmed ayaa dedaal ugu jira sidii uu mar kale ku noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2012 looga adkaaday doorasho madaxweyne oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Goobjoog News