U bood dhigaalka

Musharrax Xasan Sheekh Oo Tanaasulay Iyo Farmaajo Oo Madaxweyne Noqday

Sheeko:Dalka

Musharrax Xasan Sheekh oo wareegga Saddexaad la geli lahaa Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku dhowaaqay inuu tanaasulay, sheegayna in uu u hambalyeenayo mudane Maxamed C/laahu Farmaajo oo noqonaya madaxweynaha Afarta sano ee soo socota.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in waddo aad  dheer lasoo maray, maantana uu ku faraxsan yahay sida hagaagsan ee doorashada ay u dhacday.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan madaxweyne Farmaajo oo guuleystay.

Farmaajo ayaa hadda la dhaarin doonaa, waxaana sidoo kale uu jeedin doona khudbad kooban.