U bood dhigaalka

Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Shaafi Axmed Faarax Oo Dhiirigelin U Sameeyay Ciyaartooyda Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shaafi Axmed Faarax kana soo jeeda Galmudug ayaa kulan dhiirigelin iyo bogaadin caasimada Muqdisho ugu sameeyay ciyaartooyda kooxda kubbadda cagta Galmudug ee kaalinta labaad ka gala tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Qaar ka mid ah taageearyaasha kooxda Galmudug qeybna ka ahaa dadkii soo qaban qaabiyay madasha ayaa u mahadceliyay ciyaartooyda Galmudug ee kaalinta labaad ka gala tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,iyagoo dhinaca kale guul u rajeeyay Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlaamnka Soomaaliya mudane Shaafi Axmed Faarax

Wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Warfaafinta  Galmudug mudane Cabdiraxmaan Jaamac Faarax (Heeloos) oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in xidigaha Galmudug ay soo hoyeen guul taariikhi aha uuna u mahadcelinayo qof kasta oo kaalin geystay horomarka iyo guulaha ay Galmudug ka sameeyay ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhiirigelinta Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle