U bood dhigaalka

Musharraxiin Kahor Yimid 18-ka Kursi Ee Lagu Kordhiyey Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Lix Musharrax Madaxweyne oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kahor yimid 18 xubin ee hoggaanka madasha Qaran ku kordhiyeen aqalka sare ee dalka.

Musharraxiintan oo kala ah C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/qaadir Cosoble Cali, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/laahi Deni, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in la hareer maray Dastuurkii dalka u yaallay.

Dastuurka ayeey sheegeen inuu qabo in aqalka sare laga dhigo 54, sidaasi darteedna aanu Dastuurka meelna uga qorneen 72.

Waxay sheegeen in tani ay tahay isku day lagu doonayo in lagu boobo doorashooyinka dalka waa sida ay hadalka u dhigeene.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka

001

002

Goobjoog News