U bood dhigaalka

Musharraxiinta Jubbaland Oo Khudbado Kahor Jeediyay Baarlamaanka Maamulkaasi (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka madaxtinimo ee Jubba ayaa maanta baarlamaanka maamulkaasi ka horjeediyay khudbadahooda musharraxnimo.

Illaa Afar musharrax ayaa u taagan qabashada xilkani, waxaana maalinta berrito ah lagu wadaa in doorashada ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, inkastoo baarlamaanka dowladda iyo siyaasiyiin kale ay qaadaceen.

Madaxweynaha Xilligaan ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe kana mid ah Musharraxiinta ayaa khudbadii uu jeedinayay waxa uu kusoo hadal qaaday arrimo oo ku saabsan waxyaabaha uu hiigsanayo hadii uu doorashadaasi ku guuleysto.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in mudadii Labada Sano ahayd ee xilkaasi uu hayay uu qabtay shaqooyin badan, islamarkaana ay u harsan yihiin howlo kale oo dhameystir uga baahan.

Musharrax Hilowle Aadan oo isna markii Labaad xilkaan u tartamaya ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in hadii uu guuleysto uu ballan qaadayo in horumaro badan gaarsiiyo gobalada Jubbaland, sidoo kalena uu dhisayo ciidan awood badan leh oo maamulkaasi u gaar ah.

Cismaan Xaaji Fayruus oo ah musharraxa Sedaxaad ee xilka madaxweynaha Jubbaland u taagan ayaa dhankiisa ka dalbaday baarlamaanka Jubbaland in codka ay siiyaan, si uu isbedal la taaban karo ugu keeno gobalada Jubbaland.

Ugu dambeyn Musharrax Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa isna dhankiisa waxa uu ku dheeraaday ka hadlay waxyaabaha ugu mihiimsan ee xilligaan uu qaban doono, waxaana hoosta uu ka xariiqay in dhaqaalaha Jubbaland uu waxbadan kusoo kordhin doono.

Maalinta berri ah, kuna beegan 15-ka August ayaa lagu wadaa in doorashada madaxweynaha Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, halkaasi oo mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin badan ku sugan yihiin.

Hoos ka daawo sawirada

 

 

IMG_7064 IMG_7065 IMG_7066 IMG_7067 IMG_7068 IMG_7069 IMG_7078 IMG_7077 IMG_7076 IMG_7075 IMG_7073 IMG_7072 IMG_7070 IMG_7079 IMG_7081 IMG_7083 IMG_7086 IMG_7087 IMG_7088 IMG_7089 IMG_7099 IMG_7098 IMG_7096 IMG_7094 IMG_7093 IMG_7091 IMG_7090 IMG_7100 IMG_7101 IMG_7102 IMG_7103 IMG_7104 IMG_7105 IMG_7106 IMG_7115 IMG_7113 IMG_7112 IMG_7111 IMG_7110 IMG_7109 IMG_7107

Goobjoog News