U bood dhigaalka

Musharraxiinta Jubbaland Oo Maanta Khudbado Jeedin Doona

Sheeko:Dalka

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta la filayaa in khudbadahooda ay ka horjeediyaan baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana musharrax walba uu soo bandhigi doonaa qorshahiisa.

Afar Musharax ayaa xilkaasi u taagan, iyadoo maalinta berri ah kuna beegan 15-ka August la filayo in doorashadaasi ay dhacdo.

Musharraxiinta maanta khudbadahooda jeedin doona ayaa kala ah:-

  • Axmed Maxamed Islaam Madoobe
  • Hilowle Aadan Maxamed
  • Cismaan Xuseen Feyruus
  • Maxamed Cismaan Yuusuf

Olole ballaaran ayeey ka sameeyeen magaalada Kismaayo Labadii maalin ee ugu dambeysay dhammaan musharraxiinta, iyadoona doorashada berri ay noqon doonto mid qarsoodi ah.

Goobjoog News