U bood dhigaalka

Musharraxiinta Madaxweyne Ee Hirshabelle Oo Maanta Khudbeynaya

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle ay khudbado kahor jeediyeen xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle waxaa u taagan Saddex musharrax oo kala ah:

Cali Cabdullaahi Cosoble

Cali Maxamed Careel

Dr Maxamed Cabdi Waare

Dhammaan musharraxiintan ayaa xildhibaannada Hirshabelle kahor jeedin doona arrimaha ku aadan qorshooyinkooda shaqo iyo sidoo kale waxa ay qaban doonaan haddii ay guuleystaan.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa qudbado ka dhageysan doona musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeen, waxaana xilkaasi u tartami doona Labo musharrax oo kala ah:

Cali Guudlaawe (Guddoomiyaha Sh/dhexe)

Cali Xasan Taakow

Waxaa qorshaha uu yahay in haddii maanta baarlamaanka Hirshabelle uu khudbaha ka dhageysto musharraxiintan in sida ugu dhaqsiyaha badan maalinta berri ah magaalada Jowhar lagu doorto madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in 15-ka bishan oo shalay ku beegneyd ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Hirshabelle, balse arrintaasi ay dib u dhacday.

Goobjoog News