U bood dhigaalka

Musharraxiintii Looga Guuleeystay Doorashada Jubbaland Oo Hambalyo u Diray Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

Musharraxiintii looga adkaaday doorashadii madaxweyne ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay dareenkooda, iyaga oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland.

Hilowle Aadan Maxamed oo helay Laba cod ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu hambalyeenayo Axmed Madoobe, islamarkaana uu la shaqeyn doono maamulkaasi.

“Waxaan halkaan hambalyo aan lasoo koobi karin u dirayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  (Madoobe) oo si aqlabiyad leh ku guuleystay, waxaana cadeynayaa in aan la shaqeyn doono, doorashadana maanta ay ku dhacday si xalaal ah” ayuu yiri Hilowle Aadan.

Cismaan Xuseen Feyruus oo isna ka mid ahaa musharraxiintii laga adkaaday ayaa sheegay in ka shaqsi ahaan uu ku qancay sida ay wax u dhaceyn, waxaana musharraxaan uu helay Laba cod oo keliya.

“Aniga waxaan soo dhaweynayaa madaxweyne Axmed Madoobe, waxaan kaloo idiin sheegayaa inaan ku faraxsanahay sida kalsoonida badan ee aad wax u doorateen hadii aad tihiin xildhibaanada Jubbaland, wixii aan ballan qaaday waxaan kula shaqeyn doonaa madaxweynaha” ayuu yiri Feyruus.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay mas’uulkaan in uu kula dardaarmayo shacabka Jubbaland inay u istaagaan garab istaaga maamulkooda si loo gaaro horumar iyo nabad.

Gabagabdii Maxamed Cismaan Yuusuf oo ku dheeraaday hadal uu ka jeediyay halkii ay doorashada ka dhacday, islamarkaana aan helin wax cod ah, ayaa hadana waxa uu taasi ku tilmaamay inay tahay mid dimuqraadiyad ah, kuna faraxsan yahay natiijada uu helay.

Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta loo doortay hogaanka Jubbaland Afarta Sano ee soo socota.

Goobjoog News