U bood dhigaalka

Mustaf Dhuxuloow Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Dowladda Federaalka u Qabsoomay Todobaakii Hore (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

DhuxuloowMogadishu, 20 December 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha oo Booqday Kismaayo, Horumarka Warbaahinta Dalka, Arrimaha Gar-gaarka Bani’aadanimo, Howlgalo lagu sugayo Amniga, Horumarka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, Horumarka Maamulka Maaliyadda, iyo Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta ayaa hadalkiisa ku bilaabay Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo uu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 17kii December 2014 u magacaabay Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in la tashiyo dheer ka dib uu u arkay in Cumar uu yahay shaqsi leh khibrad iyo waayo aragnimo kana bixi kara howsha culus ee dardargelinta barnaamijka hiigsiga 2016ka. Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo horey Ra’iisul Wasaare u soo noqday 2009 iyo 2010 ayaa sheegay inuu aqbalay xilka Ra’iisul Wasaarenimo isla markaasna uu dardargelin doono howlaha Xukuumadda isagoo sheegay la tashiyo ka dib inuu soo dhisi doono Xukuumad hanan karta kalsoonida shacabka isla markaasna la iman karta waxqabad ku aadan sidiid dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016ka.”

Madaxweynaha oo booqday Kismaayo

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashada Madaxweynaha uu ku tagey Kismaayo ayaa yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 18kii December 2014 booqday Kismaayo si uu halkaas Dowlad Goboleedka Jubbaland uu ugala hadlo xaaladda dalka isla markaasna uu la tashiyo kala soo sameeyo sidii loo dar-dargelin lahaa dhameystirka maamulka Jubbaland iyo sidii Maamulka Jubbaland uu kaalin mug leh uga qaadan lahaa dadaalada dhaqangelinta Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo hirgelinta barnaamijka dimoqraadiyeynta dalka si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Booqashdan ayaa qeyb ka ah barnaamijka isgaarista (political outreach) oo madaxda dalka ay in muddo ahba booqashooyin joogta ah ku kala sameynayeen gobollada dalka oo dhan.”

Horumarka Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Warbaahinta dalka ayaa yiri “ 17kii December 2014 ayaan kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Warfaafinta ee Dalka Kuwait, Mudane Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al-Sabah. Waxaan ka wada hadlnay xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta labada dal ay xiriir joogta ah ka wada yeelan lahaayeen. Waxaan warbixin ka siiyey xaalada dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda, qorshaha hiigsiga 2016-ka iyo horumarka Warbaahinta Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirka Warfaafinta ee Kuwait uu naga aqbalay dhammaan qorsheyaashii aan hor-dhignay isla markaasna uu ballanqaaday in wadashaqeynta iyo taageerada Kuwait ay si deg-deg ah u bilaaban doonto. Kuwait waa waddan ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo naga dhaxeyso, waxaana isla garanay inaan guddi farsamo oo wadajir ah sameyno oo ambaqaada sidii ay Kuwait nooga taageeri lahaayeen kobcinta tayada shaqaalaha, inaan is weydaarsano aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha labada wasaaradood, iney naga taageeraan horumarinta SNTV iyo Radio Mogadishu iyo sidii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay uga taageeri lahaayeen horumarka warbaahinta Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada barnaamijyada hiigsiga 2016ka.”

Arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa17kii December 2014 raashin gargaar ah oo ka kooban Bur iyo Sokor u qeybisay ilaa iyo Sadex Kun oo naafo ah, kuwaasoo ku nool Muqdisho. Raashinkan gar-gaarka ahaa ayaa Dowladda Turkiga ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah cuuryaamiintii heshay raashinka gargaarka ah ayaa uga mahadceliyay wasaaradda arrimaha gudaha deeqda ay u qeybisay. Waxey codsadeen naafada in gar gaar dheeraad ah la soo gaarsiiyo maadama aysan awoodin ineey shaqeystaan, iyagoo tilmaamay iney u baahanyihiin daryeel dhan kasta ah. Gudoomiyaha golaha naafada Qaranka Cali Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in naafada Soomaaliyeed ay soo wajahday duruufo adag oo dhinaca nolosha ah maadaama aysan qabin lixaadkooda. Sidoo kale 16kii December Hay’adda Hormuud Foundation ayaa Deeq daawo ah gaarsiisey Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir kaasi oo ay ugu talagashay in lagu daaweeyo bukaannada ku jira cisbitaalka oo ay ka mid yahiin dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ka dhashay biyo sumeysan oo ay cabeen. Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Hormuud Foundation Cumar Salaad Faarax ayaa sheegay in deeqda dawada ah u ugu talagaleen in lagu dabiibo bukaannada ku jira cisbitaalka, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan wax u qabashada dadka liita. Madaxa caafimaadka cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Dr Cabdirisaaq Xasan Cali ayaa tilmaayay in dawadani ay ku soo beegantay xili ay u baahanyeen, ayna uga mahadceliyaan mas’uuliyiinta Hormuud Foundation.”

Howlgalo lagu sugayo Amniga

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey howlgalo lagu sugayo nabadda ayaa yiri “ Ciidamada Hay’adaha amniga ayaa 16kii December howl-galo ka sameeyey Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose oo ay danbiilayaal ku soo qab-qabteen. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in howl-gallada lagu soo qabtay 7 qof oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ama ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baaritaan ku wadaan ciidammadu. Howl-galkaan ayaa laga fuliyey degaanada degmada Kaxda ilaa Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, iyo goobo kale. Howlgaladan ayaa looga dan lahaa in maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya bannaanka Muqdisho loogu tago goobahooda si a u yaraato falalka argagaxisada ah oo ay ka fuliyaan Muqdisho. Howlgaladdan ayaa ah kuwo sii socon doono iyadoo ay qeyb ka yihiin barnaamijka Xasilinta Dalka.”

Horumarka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa yiri “Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa 15kii December soo xiray tababar ay muddo seddex cisho ah qaadanayeen Guddiga Farsamada Maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud. Tababarka ayaa Diirada lagu saarayay qaabkii loo wajihi lahaa Dhismaha maamulka gobolada Dhexe, Iyadoo Todobaadka Soo socda lagu wado in si rasmi ah Gudigani uu u bilaabo Howsha loo igmaday ee ah in Maamul la isku raacsan yahay loo sameeyo gobolada Dhexe. Wasiir Goodax ayaa la dar daarmay Gudigan in si hufan ay u gutaan waajibaadka shaqo ee laga sugayo. Xubno ka tirsan Guddiga Farsamada Maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ay Baaq u jeeediyeen Bulshada Gobolada Maamulka loo sameynayo iyo Dowladda Federaalka ah Iyagoo u soo jeediyay in ay kaalin Muhiim ah ka qaataan Dhismaha maamulkaas. Guddiga ayaa si loo dar dargeliyo howlaha loo igmaday waxa ay 17kii December 2014 waxey Guddoomiye u doorteen, Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yareey” Guddoomiye ku-xigeen Maxamed Xaashi halka xoghayaha Guddiga ay u doorteen Axmed Dubad Cali iyo Cumar Cali Rooble oo ay u doorteen Afhayeen.”

Horumarka Maamulka Maaliyadda

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Maamulka Maaliyadda ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey in muddo ahba waday dadaallo lagu horumarinayo maamulka iyo maareynta Maaliyadda dalka. 15kii December 2014 ayaa xafiiska xisaabiyaha guud ee Dowladda uu soo bandhigay xisaabaadka dowladda, sheegeyna in shacabka Soomaaliyeed ay ka daalacan karaan sida loo maamulay Hantida Qaranka oo isagu jirta Dakhli iyo Kharash intaba Website-ka ah www.mof.gov.so halkaasi oo ay ka heli karaan lacagaha soo xerooday iyo kuwa baxay tanoo keeneysa furfurnaan iyo in shacabka ay Dowladda kula xisaabtamaan. Xisaabiyaha guud ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji” sheegay in dadka daneynaya inay wax badan ogaadan arrimahan ka heli karaan cinwaanka aan kor ku soo xusnay, laga bilaabo 01/01/2014 ilaa iyo 30/09/2014 oo ah saddexdii Quarter ee la soo dhaafay, iyadoo inta dhiman webka lagu daabici doono dhamaadka sanadkan.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15kii December 2014 ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka Shiinaha u fadhin doona Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Shiinaha Mr Wei Hongtian oo Soomaalida u taqaano Warsame Geel jire ayaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay sheegeyna in Madaxweynaha iyo safiirka Shiinaha ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal. Safiirka Shiinaha ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dalka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]