U bood dhigaalka

Mustaf Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan” (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

DhuxuloowSii hayaha xilka wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa soo gaaray Kuwait si uu uga qeybgalo shirka caalamiga ee doorka Hay’adaha Gar-gaarka. Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiirka Kuwait Dr Abdalla Matouq Al Matouq iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Safiir Abdulkadir Amin Sheikh.

Wasiirka oo Isniinta 15ka December 2014 ka qeybgalaya Shirka Caalamka ee Doorka Hay’adaha Gargaarka ayaa yiri “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan.” Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ugu waaweyn sidii hay’adaha gar-gaarka caalamka ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii gar-gaarka uu u noqon lahaa mid bedela nolosha bani’aadamka, si aysan u soo noqnoqon arrimaha abaaraha joogtada ah.
Arrimaha kale ee diirada lagu saarayo shirka ayaa ah doorka dumarka looga qeybgalinayo mashaariicda gar-gaarka bacdamaa ay hooyooyinka muhiim u yihiin isku xirka bulshada.

Wasiirka ayaa yiri “Soomaaliya waxey tusaale u noqon kartaa caalamka bacdamaa dumarka ay kaalin weyn ka qaataan ganacsiga Soomaaliya, iyo hay’adaha gar-gaarka. Waxaan hubaa haddii dumarka Soomaaliyeed fursad la siiyo inay door weyn ka qaadan karaan sidii dumarka caalamka loogu dhiiri gelin lahaa inay door wanaagsan ka qaataan horumarka bulshada.”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta, [email protected]