U bood dhigaalka

Mustaqbal Radio oo Dacwo Ka Gudbiyey Fahad Yaasiin iyo Cabdinuur, Muxuu Ka Yiri Abuukataha?

Sheeko:Amniga

Warbaahinta Mustaqbal Radio ayaa gudbisay cabasho ka dhan agaasimaha NISA Fahad Yaasiin  iyo agaasime ku xigeenka Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Sida ku cad warqad ay aragtay Goobjoog News, asbaabta cabashada waa in 27/04/2021-kii ay Haramcad gashay gudaha warbaahinta iyada oo qalabna Computer iyo Kaamirooyin qaadatay isla markaana geysatay jirdil, idaacadda waxaa ay intaas ku dartay iney heyso caddeymo arrintaas la xiriira.

Mustabqal waxaa ay ka dalbatay xafiiska xeer ilaalinta in uu baaris ku sameeyo cabashadan isla markaana uu gungaarka u gudbiyo maxkamad ku awood leh.

Qareenka idaacadda Daahir Carab oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey iney gudbiyeen dacwadda ayna la taalo xeer ilaalinta, lana filayo in dhowaan ay jawaab helaan.

Dhanka kale, Cabdalla Muumin oo ah xogheyaha guud ee ururka u dooda saxafiyiinta ee SJS isla arrinkan dacwadda ah kala hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “ Waa tallaabo muhiim oo geesinnimo leh in weriyeyaasha sharciga u dacwo tagaan, oo aaney cabsan, waxay muujineysaa in aaney jirin cid sharciga ka sareysa, waxaan ku dhiirigelineyaa in weriyeyasha kale iyo idaacadaha ay sdaasi sameeyaam, oo ay ku deydaan, si aaney cidna uga baxsan ciqaabta”.

Goobjoog News