U bood dhigaalka

Musuq iyo Eex: Madaxweyne Deni oo Bixiyey Balanqaad Kursi Xildhibaannimo 2020/2021

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo xalay loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah  isla markaana abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah.

Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey hadal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan nagaadi ku aheyn Galmudug ayaa yiri” Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa”.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa loo fasiran karaa inuu meesha ka saarayo hufnaanta soo xulista kuraasta xildhibaannimo ee 2020/2021, eex la’aanta iyo in madaxda dowlad goboleedyada ay masaafo isku mid ah u jiraan dadka tartamaya.

Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020 ee khamiistii gaareen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa faqrooyinka xulista xildhibaannada loo dhigay sidan:

  • In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  • In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
  • In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
  • In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka waxaa uu goobta ka sheegay “Aniga kursigeyga waxaa uu transit kusoo yahay Galmudug halkaas ayaan doorashada kusoo galayaa, saxiibada Puntland kusoo dooranaya hakaa nabad galeen, …doorashaan u soo soconaa walaalayaalow ammaan ha la idiinka helo., Qoorqoor la hadal oo ninkaa ammaan sii dheh,”.

Heshiiska kahor golaha shacabka 30-kii June, 2020 ayaa anisixiyey xeer lagu nidaaminaya kuraasta isla markaana diidaya in kuraasta laga rago deegaannadii hore.

Goobjoog News