U bood dhigaalka

Muumullada Hirshabelle Iyo Jubbaland Oo Loogu Baaqey Ilaalinta Qoondada Haweenka

Sheeko:Dalka

Caasha Cabdulle Siyaad oo kamid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa iyadoo wareysi siisey Goobjoog News, waxay ugu baaqday maamullada Hirshabelle iyo Jubbaland iney ilaaliyaan qoondada Haweenka ee 30%.

Waxay sheegtay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu haweenka ka hagraday iney qoondadooda ka helaan maamulkiisa iyo sidoo kale xubnaha aqalka sare kaga soo aadey Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuu naga hagraday aqalkii sare, gabdhihii laga rabey ma aanu soo gudbin, midda kale Jubbaland qudheeda gabdhaha ku jira ayuu hagraday, Hirshabelle waa maamul cusub, madaxweynahooda wuu la jaanqaadi karaa waxa socda, isagana waxaan leenahay inuu ilaaliyo qoondada haweenka 30% oo uu soo geliyo aqalka sare wixii uu soo gelin karo ee haween ah” Caasha ayaa sidaasi tiri.

Caasha Cabdulle ayaa dhanka sheegtay iney jirto handadaad ay la kulmaan kor joogtada doorashada iyo sidoo kale qaar kamid ah xubnaha musharraxiinta.

“Soomaali haddaan nahay waddankeenna waxa lagu dooranayo waa 4.5, laakiinse waxa dhibaatada keenaya waxay tahay musharax lacag wato iyo mid wato aqoon, waxaa jirta handadaad ay la kulmayaan kor joogtada doorashada, musharraxiinta, marka waxyaabahaasi jira waxay yeelan kartaa saameyn weyn oo dhanka doorashada ah, sababtuna waxay tahay doorashada ma ahan mid Hal maalin ku dhaceysa,qolobo mar bay doorashada galayaan” ayeey tiri Caasha Cabdulle.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa xusul duub ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen Qoondada 30%, iyadoo maamullada soo doortay aqalka sare ay inta badan haweenka siiyeen Qoondadii kusoo aaddey.

Goobjoog News