U bood dhigaalka

Muungaab oo xilka ka qaaday afhayeenkii maamulka gobolka banaadir

Sheeko:War

Wareegto Ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaa”,  ayaa waxaa xilka looga qaaday afhayeenkii maamulka gobolka islamarkaana lagu magacaabay afhayeen Cusub oo uu yeeshu  maamulka .

Cali Maxamuud Faarax “cali seeek” ayaa loo magacaabay afhayeenka cusub isagoo bedelaayo Axmed cusmaan Muxudiin “Axmed Showqi” oo xilkaas horay u hayey.

Sida lagu cadeeyey wareegtan kasoo baxday xafiiska duqa Magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka  ayaa lagu sheegay ujeedadeeda xil ka qaadista iney ka dambeyso  baahida loo qabo dar dar gainta howlaha Warfaafinta ee Maamulka Gobolka banaadir iyo in mudnanta lasiiyo waayo aragnimo shaqo inuu lahaado shaqsiga qabanaayo xilka Afhayeenka maamulka.