U bood dhigaalka

Muungaab:Waxaan dowladda ka la’nahay xuquuqda shaqaalaha gobolka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Xasan Maxamed Xuseen
Xasan Maxamed Xuseen

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya wali ay ka la’yihiin xaquuqdii ay heli jireeen shaqaalaha maamulka gobolka.

Hadalkan waxaa ka dhawaajiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in wali dekada magaalada Muqdiso ay ka dhur sugayaan xaquuqdii shaqaalaha dowladda hoose.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay Muungaab in hay’ado gaar ah gacmaha ay u galaan dhaqaalaha ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta hadalkan ka sheegay tababar uu u furay mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka gobolka Banaadir oo socon doona saddex cisho.

Hoos ka dhageyso codka Muungaab: