U bood dhigaalka

Muungaab “Waxaan Ra’iisul wasaare Kaa Codsaneynaa Wasiiro Tayo Leh Oo Madaxtooyada Aan Ku Cariirin Madaxweynaha” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MuungaabGudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke in uu soo dhiso xukuumad Tayo Leh, oo wasiiradeeda kala degaan guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho. Muungaab ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay amaan, islamarkaana wasiirada lasoo magacaabi doono laga doonayo in magaalada ay kala degaan,oo aysan madaxtooyo ku cariirin madaxweynaha. “Waxaan kaa codsanaynaa Xukuumad Tayo Leh oo geesiyaal ay hogaaminaayaan in aad noo soo dhisto, oo aan madaxweynaha madaxtooya ku cariirineynin soona degaaya magaalada, Mudane Ra’iisul wasaare in badan waxaa ra’iisul wasaare walba loogu baaqay gudaha magaalada hasoo degaan wasiirada, laakiin looma bilaabi jirin aniga waan u bilaabay oo waxaan soo dagay bartamaha magaalada, marka hakasoo gudbaa jidka wadnaha, madaxtooyo yeesan cariirin, hasoo degaan Hodon, Waaberi, yaaqshiid, Kaaraan iyo Dayniile” ayuu yiri Muungaab Dhanka kale Gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu balan qaadayo in wada shaqeyn buuxda uu la yeesho xukuumada uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid. Magaalada Muqdisho ayaa xalay maamulka gobalka Banaadir waxa uu ku qabtay munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha waxaana ka qeyb galay madax aad u badan. Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News