U bood dhigaalka

MUUQAAL: Ceel Biyood Ku Yaalla Degmada Xamar-Weyne Oo Ay Dadka Is Ku Qarasbixiyaan

Sheeko:Dalka

Dad caagag wato ayaa dhooban iridda hore ee laga galo Masjidka Xaaji Cali ee degmada Xamar-weyne,halkaas oo uu ku yaallo ceel dhisan dhowr qarni kaas oo dadka biyaha ka dhaansadaan si ay is kugu qaras bixiyaan.

Dadka biyahaan dawada ah ka dhaansanaayo Ceelkaan dhammaan waa isku hal u jeedo taas oo ah in biyahaan ay ku caafimaadayaan.

waxa ugu weyn oo ay kuu sheegayaan ayaa ah in ay ka dhaxleen cabista biyahaan ab ka ab  waxayna uga maarmeen in ay dhaqtar tagaan oo qarash ku bixiyaan.

Malaaq Cabdullaahi Cabdulqaadir oo la hadlay Goobjoog ayaa waxa uu sheegay in cabista biyahaan uu uga maarmay in uu dhaqtar tago qarashna uu ku bixiyo.

“ Biyahaan maahanee wax kale ma cabo waxaan deganahay halkaan wax kale oo aan biyahaan aheyn ma isticmaalo, biyahaan waxaa ku arkay faa’idooyin badan haddaan cabo waa ku caafimaadayaa runtii”.

Dadka ayaa biyahan ceelka habab kala duwan u isticmaalaya qaar ayaa biyaha ku darsanaya Raqay, qaarna waxay ku darsanayaan Liin, qaarkoodna biyaha oo kaliya ayay cabayaan .

Cabista biyahaan ayaa waxaa xiga rucleyn kooban oo agagaarka Masjidka ay ku sameynayaan dadka diyaarka u ah in ay wajahaan natiijada ka dhalata biyaha ay cabeen .

Maxamed Binu Cali Uunsane ayaa waxa uu Goobjoog u sheegay in Ceelkaan uu lixdan sano ka hor uu biyo ka cabay.

“Meeshaan odoyaasheennii dhaqan ahaan waxay u imaan jireen Ceelkaan biyahiisa ay cabi jireen, waxayna ay u cabi jireen in caloosha ay wasaqda ka baxdo,halkaan  kaliya kuma cabi jirin guryaha ayay geesan jireen”.

Macaamiisha Ceelkaan oo kala yimaada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kalsooni ku qaba caafimaadka ay ka helaan biyahaan.

Masjidkaan Xaaji Cali ee  ku yaallo Ceelkaan biyaha laga cabo dadka imaanaya ee maacaamiisha ah, waa ay kugu adkaaneysaa in aad su’aal galiso wax tarka biyahaan oo ay macaamiisha difaacayaan.

Haddaba biyahaan  la isku qaras bixinayo ee caloosha u roon sida ay sheegayaan dadka Ceelkaan biyaha ka cabo dhaqaatiirto aragti nuucee ah ayay ka qabaan.

Dr Xuseen Cabdulcaziiz “ Ceelkaan biyahiisa waxaa ku badan maadada la dhaho cusbada waxayna ka qeyb qaadaneysaa in ay socoto saxarada”.

Ceelkaan Xaaji Cali subax walba waxaa yimaada boqolaal dad ah ku waas oo aamisan in caafimaadkooda uu yaallo Ceelka, dadka ayaa sheegaya in aysan ku kalsooneyn dhaqaatiirta oo Ceelkaan kaga kalsooni badanyihiin marka ay timaado soco siinta Caloosha.

W/D: Axmedweli Xuseen Maxamuud

W/Q: Jaamac Cali Shidane