U bood dhigaalka

Muuqaal: Wasiir Maryan Qaasim “Duruuftaan Is Barbar Yaaca Ah Wey Igu Adag Tahay Inaan Ku Shaqeeyo”

Sheeko:Dalka

Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta iska casishay xilkaan ayaa Goobjoog News uga warbixisay sababta ku kalliftay iney is casisho.

Waxay sheegtay Drs. Maryan in sababta ugu weyn ee ay isku casishay ay tahay ineysan ku shaqeyn karin is barbar yaac, sidaasi darteedna ay ka doorbiddey iney xafiiska baneyso.

Sidoo kale waxay sheegtay wasiir Maryan in iyadu aanay ahayn mucaarad, ayna xukuumadda u rajeeneyso guul iyo horumar.

“Aniga oo ah Maryam Qaasim Axmed, wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee aan u hayey xukuumadda, aniga oo ilaahay uga baryaya xukuumadda booskeega qof aniga iga wanaagsan oo u buuxiyana iney hesho, hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”

Maanta oo Arbaco ah ayeey Drs Maryan Qaasim Axmed waxay si rasmi ah u sheegtay iney iska casishay xilkii wasiirnimo ee ay ka haysay xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News