U bood dhigaalka

Muusa Biixi: Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin in ay waqti ku darsato mudda xileedkeeda.

Biixi oo xalay magaalada kula hadlay warbaahinta iyo dadweynaha ayaa eedeyn dusha kaga tuuray xubnaha xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Waraaq wargelin ah ayay soo qoreen, waxaa la yiri isu-key keena, wayna ka xanaaqeen oo waxba nooma oggola oo way na meer-meerinayaan bay dhaheen. Dhibaato aynaan u baahnayn baa ka dhacday. Hadday dad ku dhaawacmeen, hadday xarig tahay, hadday buuq tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aanu dooneyn in uu waqti ku darsado, xilli xisbiyada mucaaradka ay xukuumaddiisa ku eedeeyn in ay rabto mudda kororsi sharci darro ah.

“Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay oo wuu sii dheeraaday. Markii hore hadh cad baanu tartannay anaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa,” ayuu yiri Muuse.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ka bilaabmay khilaafka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka oo uu  sheegay in ay ka soo horjeedan furista axsaabta siyaasadda.

“Marka hore waa in xisbiyo ay soo baxaan tobankii sano ba mar oo dadkii tobanka sano xirnaa ay soo galaan, sharcigeeduna waa dhan yahay. Haddii xisbiyada la dhameeyo tii kalena way taagan tahay. Qeyladan iyo buuqan ayaa sii daahinaya ]. Doorasho jiitanta xageyga ka iman mayso,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadayo xilli Somaliland ay ka taagan tahay xiisaddii ugu xumayd ee ka dhalata siyaasadaha isdiidan ee ka jira deegaanka mudda soddon sano ku dhaw.

Goobjoog News