U bood dhigaalka

Muuse Biixi Cabdi

Sheeko:War

Muuse Biixi Cabdi, waa mid ka mid ah murashaxiinta doorashada Somaliland, waa murashaxa ugu dambeeyay ee taxana Taariikh Nololeedka ay Goobjoog News ka diyaarisay murashaxiinta Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi: 

Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa.

1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka

1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka.

1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka.

Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM.

1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland.

Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE.

2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE.

2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE.

Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka.

Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood.

Dadka taageersan doorashadan ayaa u badan gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer.

Goobjoog News