U bood dhigaalka

Muuse Biixi: DFS Waxay Xiisad Ka Abuureysaa Geeska Africa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay go’aankii  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay toddobaadkan gudahiisa kaasi oo ku saabsanaa heshiiska dekadda Berbera.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka waddo Geeska Africa dagaal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wixii ka yimaadda arrintaasi ay mas’uuliyaddeeda qaadeyso dowladda Soomaaliya waxa uuna yiri.

“Maalmahaan waxaa ka socday Geeska Africa xiisad cusub, xiisaddaas waxaa abuuray dowladda Muqdisho ka dhisan, dowladda Muqdisho ka dhisan iyo Somaliland halka ay kala marayaan lagama warhayo iyo sida la isku maandhaafsan yahay”.

Muuse Biixi mar uu ka hadlayey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu yiri “Waxa uu noo sheegay wiilka yar ee Nowrwiijiyaanka ah waxa maankiisa ku jira, walaal wiil yar ayaad tahay kaskaa ayaad hadashay ayaan leeyahay “.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya xilli heshiiska ay wada saxiixdeen DP World, Itoobiya iyo Somaliland ay ku tilmaantay dowladda Soomaaliya mid sharci darro ah meelna uga dhacaya midnimada iyo madaxbanaannida qaranka Soomaaliyeed.

Goobjoog News