U bood dhigaalka

Muuse Biixi Iyo Wafdigiisa Oo Gaaray Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ku tagay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka madaxweynaha oo noqonaya kii 2aad ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay ayaa waxa ku wehelinaya xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumaddiisa oo ay kamid yihiin; 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed

  1. Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Axmed Kaahin
  2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad
  3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon)
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shiire oo weftiga kaga Biiri doona Dalka Itoobiya.
  5. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto, Nuux Ismaaciil Taani.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yidhi; Safarka madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, waxana sida qorshuhu yahay uu madaxweynuhu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha Dalkaasi, iyada oo kulankaasna diiradda lagu saari doono xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Goobjoog News