U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Dowladda Soomaaliya Ku Eedeeyay Weerarka Tukaraq

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dalwadda federaalka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen kuwa Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

“Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.

Muuse Biixi waxaa kale uu ku hanjabay in ay cashar u dhigi doonnaan dadka weerarka kusoo qaaday; “Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”

Dagaal saaka aroortii ka bilaabmay Tukaraq ayaa weli ka soconaya  kaasi oo u dhaxeeya labada ciidanka Somaliland iyo Puntland, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in khasaare xooggan uu dhashay dagaalka kaasi oo ah dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News