U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Gaaray Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib martiqaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Biixi ayaa garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shiddo, iyadoo lagu wado inuu la kulmo Abiy Axmed.

Sida qorshaha uu ahaa Biixi ayaa halkaasi waxa uu kula kulmi lahaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya hase ahaatee madaxweyne Farmaajo ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Dowladda Itoobiya ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso iney dib u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Goobjoog News