U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Ka Hadley Qaraxii Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray dadkii ay waxyeelladu ka soo gaadhay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Madaxweynaha ayaa laamaha ammaanka ku adkeeyay in ay baadhitaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen gacantana kusoo dhigaan ciddii falkaas ka dambeysay.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxiixnaa afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu yidhi; “Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Qaraxa oo xalay dhacay Buuhoodle, Siyaasiyiinta halkaasi ku dhintey ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo C/fitaax Maxamed Cali oo mar soo noqday la taliyahii Ra’iisul wasaare hore Cumar C/rashiid.

Goobjoog News