U bood dhigaalka

Muuse Biixi oo La Kulmay Guddigii Doorashooyinka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan mahadnaq ah la qaatay Toddobada xubnood ee guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka hirgeliyey doorashadii Dhawaan ka qabsoontay deegaanada Somaliland .

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horrayn xubnaha guddida doorashooyinka ugaga mahadnaqay doorashadii milgaha lahayd ee ay dalka ka hirgeliyeen, xilkasnimadii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen,
Hay’adaha kale ee kaalinta masuuliyadda leh ka ciyaaray doorashooyinkii dhawaan qabsoomay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, ayuu madaxweynuhu si weyn u ammaanay, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay warbaahinta qaranka iyo midda madaxa bannaanba.