U bood dhigaalka

Muuse Biixi oo War Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweeynaha Somaliland  ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo xubnaha murashixiinta ah inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo farriimo  u diray shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee halkaas xilalka u doonanaya.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in aanan la aqbali karin dad ka soo jeeda somaliland in ay xilal u doontaan soomaaliya, waxa uuna gef iyo deelqaaf cad ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin in dad Banaadir ka dhex xoogsada la yiraahdo waxa ay metelaan  dadka reer Somaliland.

 

“Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi .

 

Madaxweeynaha ayaa hadalkiisa intaas ku daray “Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.”

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo adaya xilli khilaaf uu ka taagan yahay doorashooyinka , iyo sidii loo soo doran lahaa xildhibaanada labada aqal ee deegaan doorashadooda tahay Somaliland .