U bood dhigaalka

Muuse Biixi oo Xaalad Degdeg ah Kusoo rogay Qeybo Ka Mid Ah Sanaag

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogay magaalooyinka; Ceerigaabo, Ceel-afwayn iyo Gar-adag, muddo saddex bilood ah.

Muddadaasi ayaa waxaa halkaas ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo kaliya, waxaana lagu waramayaa arrimo amni darteed.

Degaannadaasi ayaa waxaa dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal kala duwan, iyadoo kii ugu dambeeyay lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Somaliland.

Goobjoog News