U bood dhigaalka

Muuse Bixii Oo La Kulmay Xildhibaanadii UK Ee Mooshinka Geeyay Baarlamaanka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu maagalada Hargeysa kulan kula yeeshay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK, kuwaas oo soo gaaray saakay magaalada Hargeysa, waxaana horkacayey   MP. Gavin Williamson.

Madaxweynaha ayaa xubnahaan waxaa uu uga mahadceliyey  dooddii ay dhowaan horgeeyeen Baarlamaanka UK, kaas oo ay ku dalbanayeen surtagalnimada  Somaliland loogu raadin karo madaxbannaani ay kaga go,do Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Muuse waxaa uu sidoo kale Baarlamaannada kale u diray codsi uu kaga dalbanayo in ay ku daydaan xubnaha ka tirsan Baarlamaanka UK ee ku  doodaya in Somaliland ay mudan tahay in ay noqoto qaran gaar ah oo madaxbannaan.

Xubnaha maanta soo gaaray Hargeysa ayaa waxaa ay kala ahaayeen Hon Gavin Williamson, oo hoggaaminaayey wafdiga CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP, oo dhammaantood kamid Baarlamaanka UK.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu dhanka kale baaq u diray xafiirka dowladda Britain ku leedahay Hargaysa, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo si bulshada ku nool Somaliland ay uga helaan adeegyadiisa dhammaystiran.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland Muuse  Biixi Cabdi sidoo kale ku wehelinaayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye oo madasha goobjoog ahaa.

Goobjoog News