U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Dhintay Gacanta Booliiska Canada

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan Cabdi waa muwaadin Soomaali ah kuna dhintay dalka Canada  kadib markii ay xireen ciidamada Booliska ee dalkaasi gaar ahaan kuwa gobolka Ontario.

37-jirkan geeriyooday Booliskuna ay xireen ayaa warbaahinta laga leeyahay Canada Ee (CBC) waxa ay sheegtay in Cabdirahmaan boolisku ay ugu yeereen xaruntooda si su’aalo loo weydiiyo kadibse booliska ayaa laga soo xigtay in Axadii todobaadkan uu Cabdirahmaan isku dayey in uu baxsado.

Boolisku waxa ay sheegeen in ninkaan loogu yeeray sababo la xiriira amaanka.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa la sheegay in uu ku furnaa “Walwal ama walbahaar” ama buuq waxaana loo qaaday isbitalka si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo halkaas balse isla isbitalka ayuu ku geeriyooday.

Muuqaallo laga baahiyey Tv-ga ayaa mujinayey Cabdiraxmaan oo wajigiisa dhiig uu ka qubanayey taa oo qeyb ka ah cadeymaha lagu sheegayo in Boolisku ay dileen Muwaadinkan.

Markhaatiyaal laga duubay Muuqaal iyo qaraabada marxuumka oo hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay  in si weyn loogu tuhmayo Boolisku in ay ku lug Leeyihiin dhimashada Cabdiraxmaan.

Xarunta lagu xiray Abdirahmaan Abdi ayey dadka deegaanku waxa ay sheegeen in ay maqlayeen qeylo aan la garan cidda ay ka soo yeereyso.

Cabdiraxmaan Walaashiis oo la hadashay Warbaahinta CBC ayaa sheegtay in marxuumku uu xanuunsanayey  waxaana ay tiri “Waxaa yaraa in Cabdi uu dadkaba la hadlo oo dhif ayuuba ahaa hadalkiisu’’ marxuumku Canada Waxa uu degenaa 8-dii sano ee ugu dambeysay.

Booliska ayaa la soo sheegayaa in baaritaano ay wali ku hayaan kiiskan dhimashada ah ee Cabdiraxmaan.

Dhacdadani ayaa imaanaysa iyadoo jahwareerka midab takoorku uu mudooyinkii dambe ku soo badanayey dalkaasi.

Horaantii bishan, Labo nin oo madow ah ayey sidan oo kale boolisku xireen ilaa iyo hadana meel laguma sheego Labadaasi ruux.

W/Q: Cali Aadan Muumin