U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto

Sheeko:Amniga

Bilawgii todobaadkaan koox aan la aqoon heyb tooda ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo marayay waddo ku taalla Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Dadka rasaasta lagu furay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ku dhacday.

Booliiska dalka Canada ayaan illa iyo hadda ka hadlin dhacdadaan lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, xilli ay booliisku cadeeyeen in ay weli wadaan Baaritaanno ku aaddaan sidii loosoo qaban lahaa dadki ka dambeyay falkaan.

Dhacdadaan ka dhacday Toronto ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen laba hawewen ah kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaallo magaalada.

Goobjoog News