U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Canada

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Kaafi Bashiir.

Meydka muwaadinkan ayaa laga helay bartamaha magaalada Toronto ee dalka Canada.

Lama oga illaa iyo hadda cidda sida rasmiga ah uga dambeysay, hase ahaatee waxaa jira dhallinyaro Soomaaliyeed oo kiiskan lagu tuhmayo.

Booliiska Toronto ayaa sheegay iney wadaan baaritaanka dilka Kafi oo 30 sano jir ahaa.

Canada waxaa marar badan sidan oo kale loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood arday ahaa iyo kuwo kale oo shaqeysanayey.

Goobjoog News