U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo Lgu Dilay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Allah unaxariistee waxaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka kamid ahaa ganacsada magaalada.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdirahman Mucalin Ali , iyadoo sidoo kale la dhaawacay labo wiil oo aan Soomaali aheyn oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu dilku ka dhacay.

Dlka ayaa waxaa geystay koox burcad Koonfur African ah, muwaadinkaan la dilay ayaa waxaa uu noqonayaa Soomaaligii sedexaad oo asbuuc gudihiisa lagu dilay Cape Town.

Waddanka Koonfur Africa ayaa intabadan waxaa ka dhaca dilal ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u ganacsi tagay waddankaasi, iyadoo booliska dalkaasi ayaan wax ka qaban dhibaatada burcadda ay u geydtaan dadka ajaanibta ah oo Soomaalidu ugu badan tahay.

Goobjoog News