U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Xayirnaa Wadanka Kenya oo Dalka Soo Gaaray

Sheeko:Amniga

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa markii 4-aad Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Xayirnaa dalka Kenya waxaa ay u fududeysay sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay tiro muwaadiniin ah ka soo daabushay wadanka Kenya kuwaas oo ku xayirmay wadankaasi ka dib markii uu safarada caalamka loo hakiyey sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Dowlaada fadareraalka Soomaliya ayaa dadaal badan ku bixasay in ay  ka soo daadgureeyso  muwaadiniin Soomaaliyeed dalal dhowr ah oo ay ku xanibnaayeen si ay u soo guryo noqdaan

Muwaadiniintaan oo ay keentay shirkadda Afrikan Express Airways waana markii afraad dowladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo xayirnaa Kenya ay dib u soo celiso gudaha dalka.

Goobjoog News