U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Maanta Boqortooyada Sucuudiga Laga Soo Celiyey

Sheeko:Caafimaadka

Diyaaradda Daallo oo sida 139 Mawaadiniin Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mawaadinidiin maanta diyaaraddu keentay waxa ay isugu jireen 29 rag ah, 77 dumar ah iyo 33 carruur ah, kuwaasi oo waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee COVID-19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaysa dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta muwaadiniinta oo u badan kuwa nugul.

Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii lixaad oo muwaadin Soomaaliyeed ka keenta dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dadka dib loogu soo celiyay dalkooda ay aad uga mahadceliyeen kaalinta dowladdu ay ka qaadatay.

Goobjoog News