U bood dhigaalka

Muwaadiniintii Ugu Horeyay oo Laga Soo Daadgureeyay Sudan oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dowladda  Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan ka soo dajisay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin wasaaradda arrimaha  Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka ka tirsan  iyo Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja, halkaas oo ay gaareen, kadib markii ay isaga baxeen magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan oo aad la isugu hayo

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan oo mangalyo siiyay.

Amb; Diinaari ayaa dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliyana ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Suudaan, xilli ay Soomaali badan ku go’doonsan tahay magaalooyin ku yaalla dalkaas oo wali aan ka baxsan dagaallada socda.

Soomaalida ugu badan ee dalkaas ku nool ayaa ahaa arday waxbarasho u joogtay iyo kuwa deegaan ku ahaaba, waxaana lasoo warinayaa in Soomaali badan ay soo gaareen xadka dalkaas uu la wadaago dalalka Masar iyo Ethiopia , waxaana ay xirteen xadka iyaga oo diiday in loo soo talaabo,  xaalada adag oo nosha aha ayaa ka jirta.

Hey’adda Maareynta musiibooyinka qaranka ayaa sheegtay in ay diyaariyeen qaabka ugu sahlan ee loogu gurman karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xadka dalka Suudaan, kuwaas oo kasoo baxsaday dagaalka socda asbuucii sedexaad ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya awoodda dalka Suudaan ee Milatariga iyo Xoogagga kale

Dagaalka ka dhacay dalka Suudaan ayaa galay asbuucii sedexaad ayaa waxaa lagu guuldareystay xabadjoojin ay dhinacyadu ku dhawaaqeeyn habeen a hor, taas oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Mareykanka, Suudaan ayaa u muuqata mid ay muwaadiniinteeda ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah maadaama barak yihiin.

Goobjoog News