U bood dhigaalka

Muxuu Putin Ka Yiri Eedda Madaxweynaha Mareykanka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaas oo ahaa inuu Putin u arko “dilaa”.

“Waa inuu qofku barto kan kale,” Mr Putin ayaa ka yiri telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo.

Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale telefishinka ABC News u sheegay in Mr Putin uu “u aayi doono” faragelinta la sheegay inuu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka soo tago Washington uuna yimaado Moscow.

Mr Biden ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore.

Warbixinta ayaa Ruushka ku eedeyneysa inuu isku dayay faragelinta doorashada isaga oo u xaglinaya Madxaweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo uu ka adkaaday Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan.

Mareykanka ayaa la filayaa inuu cunaqabateynno ku soo rogo Ruushka wixii loo gaaro toddobaadka soo socda, sababo la xiriira warbixintan.

Isagoo diidmo ka muujinaya eedeymaha Mr Biden, wuxuu soo qaatay hal ku dhig laga adeegsado iskuul dalkaas ku yaalla oo la micno ah “qof walba oo magacyo kuugu yeera isna magacyadaas ayaa loogu yeeraa”.

“Ma ogtahay waxaan carruurnimadeydii xusuustaa, markii aan ku muranno daaradda lagu cayaaro waxaan dhihi jirnay, ‘qofku kan kale wuu baranayaa’,” ayuu ka yiri wareysi uu siiyay telefishin ay dowladdu leedahay.

Mr Putin ayaa sidoo kale Mareykanka ku eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka Ameerikaanka ah iyo cirribtirka shacabka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo sheegay inuu bambaanooyin atoomiko ah ku tuuray Hiroshima iyo Nagasaki.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa Mr Biden ugu baaqay inay yeeshaan wada hadal barta Internet-ka ah, maanta amaba Isniinta.