U bood dhigaalka

Muxuu Guddoomiye Aadan Madoobe Ka Yiri Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoyga murtida iyo madadaalada Qaranka (National Theatre) uga qeyb galay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda DanQaran.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sharraxaad ka bixiyay Waxqadka lixda bilood ay xukuumadu qabatay, isagoo xusay in Golaha Shacabka kaalin weyn ka qaatay ansixinta Shuruuc muhiim u ah Shaqada Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  oo munaasabadda lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda hadal ka jeediyay ayaa uga mahadnaqay in Xukuumaddu ay bulshada Soomaaliyeed u sheegaan waxqadkoodi su’aalooyin laga weeydiiyo isla-markaana, waxaa uu ballanqaaday in golaha shacabka uu guddoomiyaha ka yahay ay Xukuumadda la shaqeyn doonaan si dalka loo samatabixiyo.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale dul istaagay in loo baahan yahay in dadaal dheer lagu bixiyo Amniga dalka, la dagaallanka lagula jiro  Al-Shabaab, isaga oo Culima’udiinka Soomaaliyeed ku booriyay in dadka lagu baraarujiyo la shaqeynta dowladda si loo ilaaliyo hantida shacabka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha ayaa xusay in dadaal ay ugu jiraan in dadka indhaha u ah Bulshada ay ku casuumi doonaan ka talagelinta sharciyada lasoo gaarsiiyo.
Goobjoog News