U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhexmaray Wasiir Xamse Saciid Iyo Xiriirada Ka Dhisan Dalka

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo ku xigeenkiisa Axmed Cumar Islaw ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirada kala duwan ee ka dhisan dalka wuxuuna kulankan ahaa is xog waraysi iyo dardargelinta shaqooyinka horyaala.

U jeedada ugu weyn ee kulankan ayaa ahaa u diyaar garowga iyo qabashada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 20,iyadoo Xiriiirada laga dhageystay warbixinta iyo halka ay marayaan howlaha la xariira tartankaas.

“Waxaa la isku afgartay in si wanaagsan loogu diyaar garoowo qabsoomida tartanka Maamul Goboleeeyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana ka qeyb galayaasha ay soo bandhigeyn aragtiyo horomarineyd,iyadoo dhinacyada ay bogaadiyeen qibrada iyo aqoonta xaga ciyaaraha ee Wasiir Xamse Saciid Xamse” ayuu u sheegay Goobjoog SportsCabdulaahu Nuur Maxamed (Cadaani) oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Kolayga.

Hogganka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Soomaaliya ayaa Xiriirada la wadaagay aragti ah in sanadkan ciyaaraha Maamul Goboleedyada lagu daro Kubbadda Kolayga,Oradadda iyo wuxii la mid ah.

“Natiijo wanaagsan ayaa ka soo baxday kulankan waxaana lagu ballamay in la qabto wixii lagu balamay Wasaarada Ciyaaraha Dalka waxaa ka go’an horomarinta guud isboortiga Wadanka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Isboortiga iyo Dhallinyarada  Axmed Cumar Islaaw.

Si katsaba dhamaadka sanadkan 2020 ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto tartanka Maamuk Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka mid ahaa tartamada ugu xiisaha badan Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle