U bood dhigaalka

Muxuu Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Ka Dhahay Kala Dirista Guddiyada?!

Sheeko:Dalka

Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa.

Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka.

Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan.

Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso.  In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo  In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan:

Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud

  1. Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo.
  2. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa.
  3. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo.
  4. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo.
  5. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya.

Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka

Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota.

  1. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro,
  2. b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka
  3. c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga
  4. d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado.
  5. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado.
  6. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso.
  7. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo.
  8. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada.
  9. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso.
  10. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray.
  11. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay
  12. l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay
  13. m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah,
  14. n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda.

Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada

  1. Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa.
  2. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga.
  3. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga26. ..

Goobjoog News