U bood dhigaalka

Muxuu Yahay Qorshaha Safarka Guddomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Ee Puntland

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uuu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan kaga sii horeeyay Jamaal Xaashi Tuure oo ka tirsan xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Tan iyo markii dib loo doortay guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15-November 2018 waxa ay balanqdeen in ay horomarinta kubbadda cagta la gaarsiindoono guuda ahaan Soomaaliya si loo helo kooxo iyo xulka qaran oo aad u adag .

“Socdaalkeena ugu weyn ee Puntland waxa uu ku saabsanyahay in aan soo kormeerno xafiisyada xiriirka kubbadda cagta iyo garoomada ka dibna hadii aan waqti u helno in aan la kulano madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni si aan ula wadaago qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdiqani Saciid Carab guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Socdaalka Puntland oo ku joogo guddoomiye Cabdiqani waxaa ku wehliya Cabdi Cusman Daameey oo ah madaxa suuqgeenta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda iyo injineero qiimaya garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland si ciyaartooyda ay u helaan goobo wanaagsan ay ku dheelaan kubbadda cagta.

“Guddoomiye ku soo dhaawoow Puntland imaatinkaaga waxa uu inoo yahay mid aan aan u aragno in aan sii dardargelino wada shaqeynta horomarinta ku dhisan ee xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulkeena Puntland waxaanse filaynaa in booqashadaada ay inoo noqoto mid aan ku tiigsano himilooyinka aan lee nahay mustaqbalka dhaw”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro).

7dii bil ee lasoo dhaafay waxaa maamul Goboleedyada gaaray wafuud kala duwan oo ka socotay xiriirka kubbadda cagta dalka,iyagoo soo daraaseenayay baahida iyo caqbadaha haysta xiriirada kubbadda cagta maamul Goboleedyada.

 “2018-2021 waxaa qaadanay qorshaha horomarinta kubbadda cagta guud ahaan wadanka iyo in aan gaarsiino dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel ciyaaritsa kubbadda cagta fursahada ay u baahanyihiin sida dhisiada garoomada casriga ee lagu dheelo iyo qalabyada lagu ciyaaro tartamada”waxaa Goobjoog sidaas ugu waramay Cabdullahi Sheikh Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kuwaas si wanaagsan loo qalabeeyay waxayna ka mid tahay balanqaadyadii uu sameeyeen madaxda xiriirka.

Si kastaba bahda ciyaaraha Puntland ayaa madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ka sugaya in ay ka dhabeeyaan balanqaadyada iyo ajandayaasha ay u imaadeen Puntland,iyagoo kula dardaarmay in xailyaan baahida ay qabaan dhalinyarada jecel ciyaaritsa kubbadda cagta ee ku nool deegaanada maamulka Puntland.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle