U bood dhigaalka

Nabad La Dhexdhigay Beelo Ku Dagaalsanaa Ceelbarde, Xudur

Sheeko:Amniga

Nabadoonnada iyo wax garadka gobalaka Bakool ayaa ku guuleystay in dhex dhexaadin iyo waanwaan  ay ka dhex  sameeyaan laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Ceelbarde iyo deegaanno hoos yimaada  gobalka Bakool.

Nabaddoonada  oo deegaannadaas 4 bil ku sugaa deegaanka dagaallada ka dhaceen ayaa la sheegayaa in ugu dambeyntii ay ku guuleysteen arrinta dhexdhexaadinta.

Dhanka kale maamulka magaalada Xudur iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku  soo dhaweeyay Odayaasha iyo Waxgaradka oo ku soo guulaystay howshii ay u baxeen ee ahaa heshiisiinta beelahaasi walalaalaha ee ku wada nool degmada Ceel-berde iyo deegaannada hoos yimaada.

Goobjoog News