U bood dhigaalka

Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Oo Lagu Biiriyey Booliiska

Sheeko:Amniga

Waxaa isbedal lagu sameeyey talisyada ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda gobolka Banaadir iyo sidoo kale hoggaanka talisyadan.

Ciidankii hubeysanaa ee NISA yaa lagu biiriyey Booliiska, waxaana taliyahii NISA ee gobolkan Saadaq Cumar Xasan isna loo magacaabay taliyaha Booliiska ee qeybta gobolka Banaadir.

Sidoo kale, taliyahio Booliiska ee qeybta gobolka Banaadir Jeneraal Maalin ayaa isna waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka (Taraafikada).

NISA ayaa lagu soo koobayaa sirdoon dhar cad ah, waxaana tani ay qeyb ka tahay isbedallada amni ee ay DFS waddo, sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Dhowaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga qaaday dhammaan ciidamadii loogu magac daray xasilinta caasimadda, kadib cabasho ay shacabka.

Goobjoog News