U bood dhigaalka

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabaddoonnada Soomaaliyeed.

Marxuum Axmed Diiriye,  waxaa uu ahaa afhayeenka Beesha Hawiye ee koonfurta Soomaaliya, waxaa uuna xilliyo kala duwan kaalin ku lahaa nabadeynta Muqdisho, 2006-dii wixii ka dambeeyay waxaa uu ka tirsanaa dadka codka ku leh siyaasadda iyo dhaqanka.

Muddadii ugu dambeysay inkasta oo uu xanuunsanaa, haddana waxaa uu ka mid ahaa odoyaasha taageersan in caasimadda Muqdisho yeelato maqaam gaar ah.

Goobjoog News, waxaa ay ehelkiisa iyo shacabka uga tacsiyeyneysaa geerida Alle ha u naxariistee nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Halkan kala soco, Taariikhdiisa oo dhameystiran.

Goobjoog News