Nabaddoon Caan Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale, oo ka tirsan nabaddoonnada Hiiraan ayaa goordhow lagu dilay magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdulle Jimcaale, waxaa uu nabadoon u ahaa beesha u tartantay kursiga uu sanadkan Janaayo 28  ku soo baxay Nuur Iidoow Beyle.

Sanadihii u dhaxeeyay 1999-2009,  wuxuu ahaa maamulihii iskuulka hose/dhexe/sare ee  mujamac Dhiiba tacliim, ee magaalada Beledweyne.

1990-kii,  wuxuu ka mid ahaa maamulkii degmada Maxaas ee G/Hiiraan.

Waxaa uu ahaa aqoonyahan waxbadan ka qeeybqaatay hanaanka waxbarasho ee G/Hiiraan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW